Trump oo Iran ugu hanjabay weerar haddii aan la furin marinka Hormuz
Trump oo Iran ugu hanjabay weerar haddii aan la furin marinka Hormuz
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul ugu hanjabay Iran, isagoo sheegay in Mareykanku burburin doono warshadaha korontada ee dalkaas haddii aan si degdeg ah loo furin marin-biyoodka Marinka Hormuz.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in Iran ay haysato 48 saacadood gudahood si ay “si buuxda oo aan hanjabaad lahayn” u furto marinka Hormuz, haddii kale ay la kulmi doonto weerar toos ah.
Trump ayaa yiri: “Haddii Iran aysan si buuxda u furin marinka Hormuz 48 saacadood gudahood, Mareykanka wuxuu weerari doonaa oo burburin doonaa warshadahooda korontada, isagoo ka bilaabaya tan ugu weyn.”
Hanjabaaddan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan kadib hadallo is-dhaafsi adag oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
Dhanka kale, xaaladda ayaa sii kacsatay kadib markii Iran ay gantaallo ku weerartay Israa’iil. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in ku dhowaad 100 qof ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, kaas oo lala beegsaday magaalada Dimona oo caan ku ah xarumaha nukliyeerka.
Xiisaddan sii kordheysa ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in dagaalka Bariga Dhexe isu beddelo mid ballaaran oo saameyn ku yeesha amniga caalamka iyo dhaqaalaha, gaar ahaan marinnada ganacsiga muhiimka ah sida Hormuz.